Maamulka Puntland ayaa Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulkaas ka mamnuucay Qaadka in lagu dhex iibiyo ama lagu qeybiyo.

War ka soo baxay Golaha degaanka ee Magaalada Garowe ayaa waxaa lagu amray Guud ahaan Ganacsatada Qaadka in aysan magaalada Qaad ku iibin karin gaar ahan goobaha farasmagaalaha ah.

Golaha degaanka ayaa sheegay in sidoo kale la qaadayo Koontaroollada magaalada gudaheeda yaalla inkasta oo aysan sheegin halka la geynayo.

Puntland ayaa horay waxaa ay canshuur dheeraad ah u saartay Qaadka ka dega Garoomada Diyaaradaha ee Garowe iyo Boosaaso. Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa arrintaas walaac ka muujiyay,waxaana go’a