Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa soo saartay liiska Waddamo gaaraya 35 dal oo aysan muwaadiniintiisa tagi Karin amni xumo darteed.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in dalalka ku jira liiskan ay ka dhici karaan afduub loo geysto Muwaaddiniinta Mareykanka ah ee u socdaalaya.

Dalalkaas waxaa ka mid ah; Afghanistan, Algeria, Angola, Bangladesh, Burkina Faso, Cameroon, Central African Republic, Colombia, Democratic Republic of the Congo, Ethiopia, Haiti, Iran, Iraq, Kenya, Lebanon, Libya, Malaysia, Mali, Mexico, Niger, Nigeria, Pakistan, Papua New Guinea, Philippines, Russia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Trinidad and Tobago, Turkey, Uganda, Ukraine (bariga Ukraine ee uu Ruushka maamulo, Venezuela, iyo Yemen.

Dhawaan ayaa dalka Uganda laga soo badbaadiyay Haweeney u dhalatay Mareykanka oo la afduubtay waxaana lagu soo daayay Madaxfurasho la siiyay kooxdii afduubkaas geysatay.